Amarka daadgureynta ee ka dhanka ah shacabka Qaza oo la dhaliilay

0
306

Afhayeen u hadlay qaramada midoobay ayaa sheegay in dhibaato wayn lagala kulmaya amarkii ka soo baxay Israa’iil ee ahaa in la daadgureeyo dhammaan shacabka ku nool Qaza.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Qaza ayaa dhankeeda amarkan ku tilmaantay dagaal maskaxeed oo ka dhan ah dadweynaha Qaza oo uu sheegay in aynan haysan meel ay ku badbaadaan.
Xarunta macluumaadka xuquuqul aadanaha ee Daanta Galbeed ee B’ Tselem ayaa dhankeeda amarka daadgureynta ee ka soo baxay Israa’iil ku sifeysay waalni qayaxan.