Israa’iil oo amartay in dhammaan Falastiiniyiinta ay ka baxaan Qaza

0
354

Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa soo saaray amar dhammaan Falastiiniyiinta ku nool magaalada Qaza looga dalbanaya in ay halkaasi iskaga baxaan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay Israa’iil duqeysay xarunta dhexe ee ay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA ay ku leedahay Qaza.
Weerarkan ayaa yimid ka dib markii ugu yaraan 30 qof lagu dilay duqeyn kale oo lala eegtay dugsi hooy u ah rayidka barakacayaasha ah ee magaalada Khan Younis.
Ilaa afar dugsi ayaa la duqeeyay maalmihii ugu dambeeyay gudahooda waxaana magaalooyinka Khan Younis iyo Qaza ka qaxay kumanaan Falastiiniyiin ah.
Sidoo kale warbaahinta caalamiga ee Aljazeera ayaa ku warramaysa in dantu ay keentay in la xiro ugu yaraan saddex isbitaal oo muhiim ah oo ku yaalla Waqooyiga Qaza.