Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Musalia Mudavadi ayaa sheegay in dowladda aynan miisaaniyad u qoondeyn in muwaadin lagu magacaabo Stephen Munyakho laga bixiyo lacag diyad ah oo dhan 150 milyan oo shilin.
Munyakho oo loo haysto inuu sanadkii 2011-kii dilay qof dhalasho ahaan ka soo jeeday Yemen ayaa waxaa uu wajahaya xukun dil ah oo lagu wado in ay ku fuliso Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Waxaa uu aqalka sare ee dalka u sheegay in dowladda ay ku dadaalaysa in Sacuudi Carabiya lagala heshiiyo sidii loo dhimi lahaa qiimaha diyada.