Xoghayaha Guud ee xisbiga Jubilee oo ku gacan seyray shirweyne uu madaxweynaha shaaciyay

0
200

Xoghayaha Guud ee xisbiga Jubilee Jeremiah Kioni ayaa gaashaanka u daruuray arrin uu shalay shaaciyay madaxweynaha dalka William Ruto oo ahayd in Isniinta soo socoto ee 15-ka bishan la qaban doono shir ay saamileey kala duwan ka qayb galayaan.
Kulankaasi ayaa la qorsheynaya inuu socdo muddo 6 cishe ah.
Madaxweynaha ayaa xusay in ay ka qayb geli doonaan ilaa 150 qof oo 50 ka mid ah ay yihiin wakiillada dhallinyarada.
Shirweynaha ayuu ku tilmaamay mid looga arrinsan doono sida looga gudbi karo xaaladda cakiran ee ka taagan dalka.
Hasa ahaate , xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Jeremiah Kioni ayaa hoosta ka xarriiqay in la joogo xilligii la dhaqan gelin lahaa dastuurka waddanka u degsan.
Waxaa uu tilmaamay in aan loo baahnayn wada hadallo dheeraad ah.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay warbixinno ay horay u soo saareen guddiyadii Waki, TJRC, BBI iyo NADCO.
Dhammaan warbixinnadan ayuu Kioni xusay in laga soo saaray wada xaajoodyo dhacay.