DHAGEYSO:Gabadh ka mid ahayd soomaali maalmo ka hor lagu weerarray Kakamega oo maanta la aasay

0
823

Cosob Cali Maxamad oo ka mid ahayd soomaali maalmo ka hor lagu weerarray deegaan baarlamaaneedka Butere ee dowlad deegaanka Kakamega ayaa maanta lagu aasay qabuuraha muslimiinta ee deegaanka Lang’ata ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhintay labo qof oo kale.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhacdadaasi ay ku dhaawacmeen 7 ruux oo haatan lagu dabiibaya isbitaal ku yaalla ismaamulka Bungoma.
Maxamad Ismaaciil Shiine oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ee xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee caasimadda dalka ee Nairobi oo maanta aaska marxuumadda ka qayb galay ayaa khadka taleefoonka ugu warramay Mowliid Maxamad Shuuriye.

Dhanka kale, Mahat Muuse Axmad oo ka mid ah ehelka marxuumadda ayaa nooga warramay caqabaddii ay kala kulmeen helidda maydka gabadhooda.

Cabdullaahi Muuse oo adeer u ah gabadha geeriyootay sidoo kalena tegay goobta dhacdadan laga soo tabiyay ayaa dowladda ugu baaqay in sharciga la horgeeyo dadkii weerarka gaystay.

Hoos ka daawo qayb ka mid ah muuqaalka dadka la dhibaateeyay