Dowladda Kenya oo lagu amray in magdhow dhan 10 milyan siiso qoyska wariyihii la dilay ee u dhashay Pakistan

0
369

Dowladda Kenya ayaa lagu amray in magdhow siiso qoyska Arshad Sharif oo ahaa wariye u dhashay dalka Pakistan oo la dilay sanadkii 2022-kii.
Garsooraha maxkamadda sare ee dalka Stella Mutuku oo go’aankan maanta soo saartay ayaa amartay in qoyska wariyaha la siiyo magdhow dhan 10 milyan oo shilin.
Hasa ahaatee dowladda ayaa maxkamadda ka codsatay in ay hakiso dhaqan galka xukunkan ugu yaraan muddo 30 cisho ah, si ay racfaan u qaadato taas oo ay maxkamaddu aqbashay.
Garsoore Stella Mutuku ayaa sheegtay in dilka Shariif uu ahaa mid aan sharciga waafaqsanayn islamarkaana lagu tuntay xuquuqdiisa nololeed.
Arshad Sharif ayaa la toogtay 23-kii bishii Tobnaad ee sanadkii 2022-kii xilli baabuur siday uu marayay waddada wayn ee xiriirisa Nairobi-Magadi.
Booliiska Kenya oo xilligaasi qirtay dilka wariyaha ayaa sheegay in Arshad Shariff si aan ula kac ahayn loo toogtay.