Dadweynaha ku nool degmada Kakuzi ee deegaanka Gatanga oo ka tirsan ismaamulka Murang’a ayaa xildhibaanka baarlamaanka ku matalo ,Edward Muriu ku eedeynaya in uunan wax horumar ah halkaasi ka sameyn.
Waxay doonayaan inuu fuliyo ballanqaadyadii dhanka mashaariicda horumarineed ee uu sameeyay xilligii ololaha doorashada.
Shacabka ayaa sheegay in ay si gaar ah ugu baahan yihiin waddooyin , daryeel caafimaad iyo adeegga korontada.