Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Moses Kuria ayaa sheegay in aan mushaaraadka loo kordhin doonin shaqaalaha dowladda.
Tani ayuu u aaneeyay culeysyada dhaqaale ee uu hadda waddanka wajahaya
Waxaa uu Moses Kuria cadeeyay in aynan suuragal ahayn in ilaa 900,000 oo shaqaale dowladeed ah ay sanadkiiba mushaarkooda ku baxdo lacag dhan 1.1 Tiriliyoon oo shilin.
Tani ayuu xusay in ay u dhiganta boqolkiiba 47 ee dakhliga qaran.