Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dhaliilay go’aan ay soo saartay maxkamadda ugu sarreysa ee xukuumadda Washington.
Go’aankaasi ayaa ahaa in madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump aan loo maxkamadeyn karin tallaabooyinka dastuuriga ahaa ee uu qaaday intii uu xilka madaxweynenimo ee Maraykanka hayay maadaama uu xasaanad haystay .
Maxkamadda ayaa caddeysay in Trump loo dacweyn karo falalka shakhsiyeed ee uu sameeyay.
Hasa ahaate, Joe Biden ayaa go’aanka maxkamadda ku tilmaamay mid khatar ah oo aan horay loo arag.
Waxaa uu shacabka Maraykanka ugu baaqay in ay ka soo horjeestaan oo aynan Trump u codeyn xilliga doorashada guud ee la qabanaya 5-ta bisha 11-aad ee sanadkan.