DHAGEYSO:Rigathi Gachagua oo kenyaanka ugu baaqay in ay fursad siiyaan wada hadallada ay dowladdu billowday

0
195

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa shacabka ku boorriyay in ay xiisadda dejiyaan oo ay fursad siiyaan wada hadallada ay dowladdu guda gashay ee lagu xallinaya tabashooyinka jira.
Gachagua ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Murang’a hoosta ka xarriiqay in hoggaamiyaha waddanka uu dhageystay dadweynaha taasi oo keentay inuu meesha ka saaro hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dhallinyarada dibadbaxyada sameeyay , madaxda la soo doortay , hoggaamiyaasha diimeed iyo ururrada rayidka laga doonaya in ay madaxweynaha garab ku siiyaan sidii looga wada hadli lahaa arrimaha u baahan in xal loo helo si dalka ay uga jirto nabad waarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here