Maraykanka oo madaxweynaha ku bogaadiyay inuu meesha ka saaray hindise sharciyeedka maaliyadda

0
430

Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ku bogaadiyay inuu meesha ka saaray hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024.
Blinken oo ay khadka taleefoonka ku wada hadleen Ruto ayaa xusay dadaallada uu hoggaamiyaha waddanka wado ee la xiriira in laga wada hadlo xiisadda ka taagan dalka.
Bayaan ka soo baxay waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in Blinken uu William Ruto uga mahadceliyay tallaabada uu shalay galab qaaday .
Waxaa uu dhanka kale , mas’uulkan ciidamada ammaanka ee Kenya ku boorriyay in ay aad isku xakameeyaan si looga baaqsado rabshado.
Sidoo kale Blinken ayaa ku baaqay in la dardargeliyo baaritaannada la xiriira xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul aadanaha ee dalka ka dhacay intii ay socdeen dibadbaxyada.
Waxaa uu mar kale carrabka ku adkeeyay xiriirka iskaashi ee Kenya iyo Maraykanka ka dhexeeya si loola tacaalo caqabadaha dhaqaale ee jira.
Shalay ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka William Ruto diiday inuu qalinka ku duugo hindise sharciyeedka maaliyadda ee uu baarlamaanka ansixiyay.