Israa’iil oo 9 guri ku burburisay Daanta Galbeed

0
405

Wakaaladda wararka ee dowladda Falastiin ee WAFA ayaa ku warramaysa in ciidamada Israa’iil ay maanta Daanta Galbeed ee la haysto ku burburiyeen ilaa 9 guri.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in burbur la gaarsiiyay 47 ka mid ah kaabayaasha Falastiin oo ay ku jiraan ilaa 35 goobood oo hooy ahaa.
Warbixintan ayaa laga soo xigtay guddi uu fadhigiisu yahay magaalada Ramallah.