Ugu yaraan 4 qof oo lagu dilay Qaza

0
226

Duqeyn ay ciidamada Israa’iil ka gaysteen magaalada Beit Lahiya ee Waqooyiga Qaza ayaa lagu dilay in ka badan afar ruux.
Kooxaha samatabixinta ayaa raadinaya shakhsiyaad la rumeysan yahay in ay ku hoos xanniban yihiin burburka guri lagu bartilmaameedsaday weerarka sida ay ku warramaysa wakaaladda wararka ee dowladda Falastiin ee WAFA.
Tan iyo toddobadii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , ugu yaraan 37,658 qof ayaa lagu dilay duqeymaha ay Israa’iil ka wado Qaza halka la dhaawacay 86,237.