DHAGEYSO:Dowladda oo caddeysay shuruudaha laga doonaya dibadbaxayaasha

0
338

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladdu ay tixgelinaysa xaqa dastuuriga ah ee ay kenyaanka u leeyihiin in ay dibadbaxaan iyagoo muujinaya tabashooyinkooda ka dhanka ah xeerarka la soo saaro.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in sida ku qeexan farqada 24-aad qaybteeda koowaad ee dastuurka Kenya xaqa la xiriira dibadbaxa uu noqonaya mid xaddidan haddii lagu xadgudbaya xuquuqda dadka kale.

Wasiir Kindiki ayaa sheegay in cid kasta oo doonaysa in ay dibadbaxdo sida ku xusan farqada 37-aad ee dastuurka waddanka ay qasab tahay in aynan hubeysnaan , aynan ka qayb qaadan rabshad, aynan wax u dhimin xasilloonida dadweynaha , aynan cabsi gelin ama dhibaateyn dadka aan dibadbaxa qayb ka ahayn, in booliiska ay ku wargeliso xilliyada dibadbaxa iyo waddooyinka gaarka ah ee lagu qabanaya mudaaharaadka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dibadbaxyada aynan sii jiri karin wixii ka dambeeya marka ay qorraxdu dhacdo ama abaare 6:30 maqribnimo.
Tani ayuu u aaneeyay in ciidamada ammaanka aynan damaana qaadayn xaqiijinta badqabka qofka dibadbaxaya xilli habeen ah.
Sidoo kale , wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in aan la oggolayn in la daandaansado ama la weerarro saraakiisha ammaanka iyo qaybaha bulshada.
Dibadbaxayaasha ayaa laga doonaya in ay raacaan tilmaamaha saraakiisha ammaanka si loo hubiyo nidaamka kala dambeynta.
Sidoo kale, ma sameyn karaan is hor taag dhanka isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ah si kasta oo ay ahaataba.
Wasiir Kindiki waxaa uu xusay in dibadbaxayaasha aynan xannibi karin ama burburin karin hantida gaarka ah iyo midda guud labaduba.
Waxaa kale oo laga doonaya in ay u hoggaansamaan xeerarka dalka gaar ahaan meelaha la ilaaliya.
Sidoo kale looma oggolo in ay farageliyaan howlaha guud iyo kuwa khaaska ah, arrimaha waddooyinka ,khadadka tareennada , badda iyo gaadiidka hawada.
Wasiir Kindiki ayaa intaasi ku daray in cid kasta oo aan taageersanayn ama qayb ka ahayn mudaaharaadyada looga soo horjeedo hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan iyadana laga doonaya in ay xeerarkan u hoggaansanto.