Labo ka mid ah kooxaha u ololeeya arrimaha bulshada oo maanta tegay xarunta waaxda DCI-da

0
439

Boniface Mwangi iyo Xaniifa Aadan oo ka mid ah shakhsiyaadka u ololeeya arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga ayaa maanta tegay xarunta dhexe ee waaxda dembi baarista dalka ee DCI-da oo ku taalla agagaarka waddada Kiambu Road ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa shakhsiyaadkan wehlinayay madaxii hore ee waaxda cadaaladda dalka Dr.Willy Mutunga iyo madaxa fulinta ee hay’adda u ololeysa arrimaha xuquuqul aadanaha ee Haki Afrika Xuseen Khaalid.
Boniface Mwangi iyo Xaniifa Aadan ayaa doonaya inay ogaadaan sababta ay u korodhay tirada afduubka dhallinyarada tan iyo markii uu toddobadkii hore billowday mudaaharaadyada looga soo horjeedo hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Mwangi ayaa sidoo kale doonaya inuu ogaado sababta isku dayga afduubka loogu sameeyay isaga, isagoo ku dooday inuusan wax dembi ah gelin.
Madaxii hore ee waaxda cadaaladda dalka Dr.Willy Mutunga ayaa sharci darro ku tilmaamy afduubka loo gaystay qaar ka mid ah da’yarta sida nabadda ah u dibadbaxayay.
Wararka ayaa intaasi ku daray in qaar ka mid ah shakhsiyaadkii la afduubtay ay xurriyaddoodii dib u heleen.