DHAGEYSO:Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka oo hadda ammaanaya dhallinyaro uu dhawaan dhaliilay

0
296

Xildhibaanka deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu ahna hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah ayaa hadda u muuqdo inuu beddelay mowqifkiisi ku aaddanaa dibadbaxyada ay dhallinyarada sameynayaan ee looga soo horjeedo hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Jimcihii ayay ahayd markii uu Kimani ismaamulka Baringo ka sheegay in da’yarta mudaaharaadka ka qayb qaadanaya ay ku imaanayaan takaasida qaabka online-ka ah loo dalbado.
Waxaa uu xilligaasi xusay in dhallinyaradan oo adeegsanaya taleefoono casri ah marka ay dibadbaxyada sameeyaan ay galaan maqaaxiyo oo sida uu hadalka u dhigay aynan dareensanayn dhibaatada ay leedahay koronto la’aanta maadaama ay si joogto ah u helaan adeeggan.
Hasa ahaate, siyaasigan ayaa da’yartii uu maalmo ka hor dhaliilay ku ammaanay in ay muujiyeen sida ay Kenya uga gudbaysa siyaasadda qabyaaladda ku saleysan.
Waxaa uu ku tilmaamay awood wax ka beddeli karta maamul wanaagga iyo xoojinta midnimada.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ayaa da’yarta ku sifeeyay in ay astaan u yihiin hab-fikirka hor u socodka ku saleysan , in mudnaanta la siiyo hadafyada la wadaago oo aan lagu kala tagin kala duwanaanshaha isirka.
Kimani Ichung’wah ayaa dhanka kale siyaasiyiinta uga digay in ay ku mashquulaan mideynta qowmiyadahooda oo ay garab siiyaan ololaha midnimo qaran.

Waxaa hadalka hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka taageeray dhigiisa aqalka sare ahna senatarka ismaamulka Kericho Aaron Kipkirui Cheruiyot iyo xildhibaanka deegaanka Kapsaret ee dowlad deegaanka Uasin Gishu Oscar Sudi.
Madaxdan ayaa sheegay in dhallinyarada ay muujiyeen baraarug siyaasadeed iyo hor u socod sidaasi awgeedna loo baahan yahay in fursadooda la siiyo oo lala hadlo.

Sidoo kale waxaa dhaliishiisi ka dhanka ahayd dhallinyarada hadda ammaan ku beddelay David Ndii oo ah la taliyaha madaxweynaha dalka ee arrimaha dhaqaalaha.
Qoraal uu soo dhigay barta X ayuu ku sheegay in da’yarta ay boqolkiiba boqol ku waafaqsan yihiin in ay madaxda la xisaabtamayaan.
Ndii ayaa intaasi raaciyay in dhallinyarada aynan rabin siyaasadda qabyaaladda iyo boqortooyada ku saleysan.