WFP oo heshay deeq lagu caawinaya qaxootiga Dadaab iyo Kakuma

0
728

Barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP ayaa sheegay in Maraykanka uu ugu deeqay 37 milyan oo doollar.
Lacagtan ayaa loogu talagalay in caawimaadda muhiimka ah ee dhanka cuntada iyo nafaqada loogu fidiyo qaxootiga ku nool xeryaha Dadaab iyo Kakuma ee dalkani Kenya.
Agaasimaha WFP ee dalka Lauren Landis ayaa ka mahadcelisay deeqda ay ka heleen Maraykanka.
Waxay intaasi ku dartay in hadda 650,000 oo qaxooti ah ay ku taageeraan gargaar cunno.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay hay’addan boqolkiiba 40 dhintay cuntadii ay qaxootiga sii jirtay iyo iyadoo tan iyo bishii Shanaad ee sanadkan aan lacagaha caddaanka ah la siin 580,000 qaxooti ah oo ku kala nool Dadaab iyo Kakuma .
Tani ayaa WFP u suuragelin doonto in ay ilaa bisha Diseembar kordhiso qoondada cuntada la siiyo qaxootiga iyo in dib loo billaabo bixinta lacagaha caddaanka ah.