Maxkamadda sare oo laashay dacwad ka dhan ahayd barnaamijka cunnada ee ardayda Nairobi

0
615

Maxkamadda sare ee dalka ayaa dhinac iskaga dhigtay dacwad looga soo horjeeday barnaamijka cunnada ardayda ee ismaamulka Nairobi.
Garsoore Chacha Mwita ayaa maanta go’aamiyay in hakinta barnaamijkan aynan dani ugu jirin carruurta.
Waxaa dacwaddan maxkamadda geeyay urur la magac baxay ‘Tunza Mtoto Coalition Kenya’
Agaasimaha fulinta ee ururkan ,Jane Ouko ayaa ku doodaysay in fulinta mashruucan ay sharci darro tahay maadaama waxbarashada ay hoos tagto dowladda sare ee dalka.
Hasa ahaate, qareenka matalayay dowladda hoose ee Nairobi Duncan Okatch ayaa dhaliishan beeniyay.
Waxaa uu maxkamadda u sheegay in la raacay dhammaan habraacyada sharciyeed ka hor inta aan la daahfurin barnaamijka cunnada ee ardayda dugsiyada hoose dhexe ee Nairobi.
Dowladda ismaamulka Nairobi ayaa soo dhaweysay go’aanka ka soo baxay maxkamadda sare.
Wasiiradda caafimaadka iyo nafaqeynta ee Nairobi Suzanne Silantoi, ayaa sheegtay in ay hadda quudinayaan 200,000 oo arday ah.
Waxaa dhaqangelinta barnaamijkan oo uu qorshuhu yahay in la sii ballaariyo bisha Sagaalaad ee sanadkan iska kaashanaya dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi iyo hay’adda aan dowliga ahayn ee Food4Education oo sidoo kale ka howlgasho ismaamullo ay ka mid yihiin Murang’a iyo Mombasa.