Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa cambaareeyay awoodda xad dhaafka ah ee ay ciidamada booliiska adeegsanayaan marka ay ka falcelinayaan dibadbaxyada ka dhanka ah hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024.
Xilli uu dhagax dhigayay dhismaha fagaaraha Kihumbuini Stadium ee xaafadda Westlands ayuu Sakaja sheegay in qof kasta oo kenyaan ah uu xaq dimuqraadi ah u leeyahay inuu muujiyo dareenkiisa ku aaddan waxyaabaha uunan ku qancin ee ay dowladdu waddo.
Waxaa uu tilmaamay in haddii dibadbaxayaasha aynan hubeysnayn oo ay dareenkooda si nabad ah u soo bandhigayaan aynan jirin sabab ay awood xad dhaaf ah ugu adeegsadaan saraakiisha ammaanka.
Sakaja oo sheegay in ay qasab tahay in mar kasta la dhageysto aragtida dadweynaha ayaa dhanka kale bogaadiyay tallaabadii ay dowladdu uga laabatay qaar ka mid ah soo jeedinnadii ku xusnaa hindise sharciyeedka maaliyadda.