DHAGEYSO:Dadweynaha Kisii oo xildhibaannada uga digay ansixinta hindise sharciyeedka maaliyadda

0
410

Shacabka ku nool ismaamulka Kisii ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada dibadbaxyada ka dhanka ah hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Waxay xildhibaannada ay soo doorteen uga digeen in ay qorshahan meel mariyaan iyagoo wacad ku maray in xildhibaankii hindisahan codkiisa ku taageera aynan sanadka 2027-da dib u dooran doonin.
Maamulka talada waddanka haya ee Kenya Kwanza ayay ku dhaliileen inuu hoggaanka kula wareegay ballanqaadkii ahaa wanaajinta nolosha danyarta iyo ganacsatada yaryar balse xeerarka uu adeegsanaya aynan falsafaddaasi ka turjumin.
Sidoo kale madaxweynaha dalka William Ruto ayay ku dhaliileen inuu safarro badan ku tagay waddanka dibadiisa balse aynan muuqan isbeddello dhinaca horumarka ah oo ay ka dareemayaan deegaannadooda.