Dowladda oo shaacisay qiimaha bacriminta loo qaybiyay beeralayda

0
434

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in tan iyo markii la billaabay barnaamijka bacriminta qiimaheeda laga dhimay beeralayda , in arrinkan lagu qarash geliyay 25 bilyan oo shilin.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in muddo labo sano gudaheeda ah sare loo qaaday soo saaridda cuntooyinka kala duwan.
William Ruto ayaa tilmaamay in beeraley badan ay hadda wax soo saarkooda gaarsiinayaan heer sarreeya.
Sidoo kale , waxaa uu xusay in dowladdu ay daneynaysa in ay yareyso cuntooyinka laga soo iibsado dalka dibadiisa.
Arrintan ayuu tilmaamay in qaranka ay sanadkiiba uga baxdo lacag dhan 500 oo bilyan oo shilin iyadoo cuntooyinka badankooda lagu soo saari karo gudaha Kenya sida uu hadalka u dhigay.