DHAGEYSO:Dadweynaha Mombasa oo sameeyay dibadbax ka dhan ah hindise sharciyeedka maaliyadda

0
477

Shacabka ku nool ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta ayaa maanta dhigay mudaaharaad ay uga soo horjeedaan hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Boqolaal qof oo dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka Mombasa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada booliiska ay isku gadaameen aagga Mapembeni ee waddada Moi Avenue oo uu markii hore qorshuhu ahaa in ay dibadbaxayaasha isugu yimaadaan.
Dhallinyarada mudaaharaadka ka sameeyay bartamaha iyo xaafadaha Mombasa ayaa xildhibaannada ugu baaqay in aynan ansixin qorshahan .