Waxaa uu qorshuhu yahay in baarlamaanka uu maanta ka doodo hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024.
Shalay galab ayay ahayd markii xildhibaannada lala wadaagay qorshahan oo ay dowladdu ku doonaysa in ay dakhli dheeraad ah ku hesho.
Kenyaanka ayaa galinkii hore ee shalay dhigay dibadbax ay uga soo horjeedaan hindise sharciyeedka maaliyadda oo ay sheegeen in dhaqangelintiisu ay keenaysa culeysyo nololeed oo dheeraad ah.
Hasa ahaate, dowladda ayaa shaacisay in isbeddello lagu sameeyay soo jeedinno dhowr ah oo ay dadweynaha dhaliileen.




