MCK oo cambaareysay xadgudubyo ay booliiska u gaysteen wariyaal

0
269

Golaha warbaahinta dalka ee (MCK) ayaa cambaareeyay weerarro iyo xabsi geyn aan loo fiirsan oo ay shalay ciidamada booliiska kula kaceen suxufiyiin tabinayay dibadbaxyadii ka dhacay bartamaha caasimadda waddanka ee Nairobi.
Madaxa fulinta ee MCK, David Omwoyo ayaa sheegay in wariyaasha ay rajeynayeen in saraakiisha ammaanka ay sugaan badqabkooda balse iyaga la dhibaateeyay.
Xadgudubyada ka dhanka ah suxufiyiinta ayuu mas’uulkan ku tilmaamay kuwo laga xumaado.
Waxaa uu intaasi ku daray in kastoo wariyaasha ay siteen kaarar rasmi ah oo lagu aqoonsan karo haddana in ciidamada booliiska ee dibadbaxyada ka falcelinayay aynan taasi tixgelin.
In kastoo markii dambe la soo siidaayay , waxay laamaha ammaanka xireen Joe Muhia iyo Iddi Cali Juma oo ka howlgalo wakaaladda wararka ee AP iyo Mwangi Macharia oo ah suxufi u shaqeeya warbaahinta Standard ee dalka.
Madaxa fulinta ee golaha warbaahinta ee MCK , David Omwoyo ayaa sidoo kale sheegay in la dhibaateeyay Sammy Kimatu oo ka howlgalo wargeyska Taifa Leo.
Waxaa sidoo kale isbitaal la dhigay Maureen Mureithi oo u shaqeysa warbaahinta NTV ka dib markii uu haleelay agabka sunta dadka ka ilmeysiisa oo uu dhaawac soo gaaray.
MCK ayaa ciidamada ammaanka ku boorrisay in ay ilaaliyaan xuquuqda dastuuriga ah ee wariyaasha.
Golaha ayaa taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ugu baaqay in uu tallaabo ka qaado saraakiisha sameeya habdhaqanka aan wanaagsanayn oo uu hubiyo in suxufiyiinta ay waajibaadkooda shaqo u gutaan si madax bannaan.