2 qof oo ku dhintay baabuur xamuul oo ku dhacay webi ku yaalla Kirinyaga

0
281

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada labo qof halka labo kalena ay dhaawacmeen ka dib markii baabuur xamuul oo dadkan siday uu ku dhacay webiga Nyamindi ee agagaarka waddada u dhexeysa Kiamutugu-Gituba ee deegaanka Gichugu ee ismaamulka Kirinyaga .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaariga uu ka yimid xarunta ganacsiga ee Kiamutugu oo uu ku wajahnaa Gituba.
Hal qof oo dheeraad ah oo rakaabka ka mid ahaa ayaa weli la la’yahay.
Ciidamada booliiska ayaa sheegay in la helay meydadka labada qof ee dhintay iyo labo ay soo gaareen dhaawacyo culus oo la geeyay isbitaalka magaalada Kerugoya .
Waxaa hadda socdo howlgallada lagu raadinaya qofka maqan iyo in la soo helo baabuurka ay biyaha la tageen.