Dowladda oo meesha ka saartay canshuurta boqolkiiba 16 ee qiimaha rootiga

0
511

Dowaladda dhexe ayaa meesha ka saartay soo jeedinta la xiriirta canshuurta dakhliga ee boqolkiiba 16 ee qiimaha rootiga.
Guddoomiyaha guddiga arrimaha maaliyadda ee baarlamaanka ahna xildhibaanka deegaanka Molo ee ismaamulka Nakuru Kimani Kuria oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in go’aankan la gaary ka dib kulankii maanta ay yeesheen xubnaha baarlamaanka ee xisbiga talada wadanka haya ee UDA ee uu shir guddoomiyay madaxweynaha dalka William Ruto.
Xidhibaanka Molo ayaa sheegay in la tixgeliyay soo jeedintii shacabka kenyaanka ee ahayd in aan canshuur dheeraad ah la saarin rootiga.
Mudanaha ayaa xusay in maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza uu daneynaya inuu xal u helo qiimaha sare ee maciishadda.
Waxaa sidoo kale meesha laga saaray soo jeedinta ah in boqolkiiba 16 la canshuuro adeegyada hannaanka lacagaha la isugu diro ee sida M-Pesa-da.
Dowladda ayaa dhanka kale meesha ka saartay soo jeedinta la xiriirta canshuurta ah boqolkiiba 2.5 ee qiimaha baabuurta.
Arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyadoo qorshuhu yahay in galabta baarlamaanka dalka loo bandhigo warbixinta la xiriirta hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024.