Waxaa lagu soo warramayaa in garsooraha maxkamadda Makadara ee ismaamulka Nairobi Monica Kivuti toogasho lagu dhaawacay.
Waxaa toogashada gaystay askari ka tirsan ciidanka booliiksa ee dalka.
Sarkaalka booliiska ah ayaa garsooraha haweeneyda ah ka toogtay bawdada.
Wararka intaasi ku daraya in askariga toogashada gaystay ay booliiska goobta ku sugnaa ka takhaluseen.
Garsooraha ayaa haatan xaaladeeda lagula tacaalaya isbitaalka Nairobi Hospital.
Waxaa goobta falkan laga soo tabiyay gaaray saraakiisha dambi baarista, iyadoo weli ay socdaan baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.
Warbaahinada maxalliga ayaa ku warramaya in sarkaalka uu ka carooday go’aan ay soo saartay garsooraha ee ka dhan xaaskiisa.