Booliiska Migori oo 3 qof u xiray ka ganacsiga xashiishka

0
205

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Migori ayaa gacanta ku dhigay saddex eedeysanayaal.
Saraakiisha ayaa sidoo kale howlgalkaasi ku soo qabtay maandooriyaha nooca xashiishka oo qiimihiisu uu yahay 5.2 milyan oo shilin.
Taliyaha booliiska ee dowlad deegaanka Migori Francis Nguli ayaa sheegay in laamaha ammaanka oo adeegsanaya xog ay shacabka la wadaageen in ay howlgalka ka fuliyeen deegaanka Galbeedka Kuria.
Tuhmanayaasha oo loo haysto ka ganacsiga balwadda ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska waxayna marayaan baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.