14 qof oo lagu dilay Qaza

0
342

Wakaaladda wararka ee dowladda Falastiin ee WAFA ayaa ku warramaysa in 6 qof lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka gaysatay Qaza.
Weerarka ayaa lala eegtay guri ku yaalla xaafadda Zeitoun.
Tani ayaa tirada dadka lagu dilay Qaza intii uu waaga baryay ka dhigaysa 14 ruux iyadoo dhowr qof oo kalena la dhaawacay.