Ugu yaraan 41 qof oo ku dhintay dab saameeyay dhisme ku yaalla Kuwait

0
384

In ka badan 41 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen ka dib dab ka kacay dhisme hooy u ahaa dad shaqaale ah oo ku yaalla dalka Kuwait.
Dhacdadan oo aroornimadii hore ee maanta laga soo tabiyay degmada Koonfureed ee Mangaf ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dhowr qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Kuwait.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in aaggaasi ay ku badan yihiin shaqaalaha ajaaniibta ah.
Hasa ahaate , faahfaahin lagama bixin dalalka ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan dadka dhacdadaasi ku nafwaayay.
Ku xigeenka ra’iisul wasaaraha Kuwait Sheikh Fahad al-Yousuf al-Sabah oo goobta tagay ayaa amar ku bixiyay in la xiro milkiilaha dhismaha gubtay.
Maamullada maxalliga ayaa laga soo xigtay in dabka la demiyay oo ay hadda baarayaan sababta keentay.