Eugene Wamalwa oo dhaliil u jeediyay baarlamaanka

0
436

Madaxa xisbiga (DAP-K) Eugene Wamalwa ayaa sheegay in golaha xeer dejinta uu hadda u muuqdo mid u afduuban dowladda oo aan si buuxda uga soo bixin waajibaadka ka saaran kormeerka maamulka talada wadanka haya.
Wamalwa ayaa dhanka kale ku baaqay in dadweynaha si wayn looga qayb geliyo arrimaha noloshooda taabanaya.
Waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in baarlamaanka uu xaqiijiyo tixgelinta aragtida shacabka.
Sidoo kale madaxa xisbiga DAP-K, Eugene Wamalwa ayaa cambaareeyay tallaabada in ka badan 2 bilyan oo shilin looga dhimay barnaamijka quudinta ardayda ee dugsiyada sida ay shaacisay wasaaradda waxbarashada.
Waxaa uu xusay in tani ay saameyn ku yeelanaysa habsami u socodka tacliinta maadaama ay jiraan arday badan oo ka soo jeedo qoysas sabool ah oo cunto ka helo dugsiyada.
Sidoo kale waxaa uu dhaliilay xeerarka canshuurta ee maamulka madaxweyne William Ruto isagoo ku taliyay in aan shacabka la saarin culeys dheeraad ah balse laga hor tago ku tagriifalka kheyraadka qaran.