KeNHA oo shaacisay in afar cishe la xiraya qayb ka mid ah waddada Mombasa Road

0
258

Maamulka qaran ee qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee KeNHA ayaa shaaciyay in inta u dhexeysa 13-ka ilaa 16-ka bishan la xiri doono qayb ka mid ah waddada wayn ee Mombasa Road.
Waxaa uu maamulkan bayaan ku sheegay in tallaabadan ay Khamiista ilaa Axadda saameyn doonto aagga u dhow isgoyska Katani Road .
KeNHA ayaa xiritaanka qaybtaasi u aaneysay in la dhisaya aasaaska buundo ay dadka ka gudbi karaan.
Gaadiidleyda ayaa lagu boorriyay in ay wargelintan tixgeliyaan oo ay la shaqeeyaan saraakiisha taraafikada ee u tilmaamaya waddooyinka kale ee ay adeegsan karaan.