Xoghayaha dowladda ismaamulka Garissa oo la xiray

0
462

Waxaa lagu soo warramayaa in saaka saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ay xabsiga u taxaabeen xoghayaha dowladda hoose ee ismaamulka Garissa ,Maxamuud Mursal.
Waxaa sidoo kale la xiray sarkaal labaad oo isna ka mid ah shaqaalaha ismaamulka Garissa.
Labada qof ayaa lagu hayaa xarunta guddiga EACC ee magaalada Garissa si su’aallo dheeraad ah loo weydiiyo.