Xoghayaha Guud ee EAC oo la magacaabay

0
258

Hoggaamiyaasha waddamada ku mideysan Jaaliyadda Bariga Afrika ee (EAC) ayaa xilka xoghayaha guud u doortay Veronica Nduva oo haweeney kenyaan ah.
Waxay beddelaysa Ambasadoor Peter Mathuki oo loo magacaabay safiirka Kenya ku matalaya Ruushka.
Nduva ayaa ballan qaadday in ay dadaal ku bixin doonto sidii ay u xoojin lahayd isdhexgalka shacabka iyo horumarinta gobolka Bariga Afrika.
Waxay hoosta ka xarriiqday in ay si gaar ah diiradda u saari doonto sare u qaadidda isdhexgalka dhaqaale ee dhiirrigelinaya hal-abuurka , ganacsiga , shaqo abuurka , nabadgalyada iyo amniga.