Xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Koonfurta Gatundu ee ismaamulka Kiambu Gabriel Kagombe ayaa lagu siidaayay damaanad ah 2 milyan ama damaanad lacageed oo dhan hal milyan oo shilin.
Waxaa uu iska fogeeyay eedeymo dil ah oo lagu soo oogay.
Xidlhibaanka ayaa ku eedeysan inuu dilay mid ka mid ahaa wadayaasha mootooyinka.
Garsooraha maxkamadda sare ee dalka ,Francis Olel ayaa horraan amary in xildhibaanka la geeyo isbitaalka wayn ee Kiambu si baaritaan maskaxeed loogu sameeyo.
Xildhibaanka ayaa loo haystaa in uu wadaha mootada ku toogtay deegaanka Thika xilli ay taageerayaasha labo siyaasi isku dhaceen mashruuc suuq oo la fulinaya awgeed.
Mudanaha ayaa wajahaya dacwad ah inuu si aan habboonayn u adeegsaday hubkiisa taasi oo sababtay geerida David Nduati.
Waxaa uu qorshuhu yahay in maxkamadda ay dacwadiisa mar kale dhageysato 17-ka bisha Toddobaad ee sanadkan.