Isbeddellada booliiska dalka oo ay ku baxaysa 108 bilyan oo shilin

0
327

Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa sheegay in loo baahan yahay lacag dhan 108 bilyan oo shilin si muddo afar sano gudaheeda ah isbeddello loogu sameeyo adeegga qaran ee booliiska ee NPS.
Isbeddelladan ayaa sidoo kale saameynaya waaxda asluubta ee dalka iyo adeegga qaran ee dhallinyarada ee NYS.
Bishii 11-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii uu madaxweyne William Ruto warbixinta lagu soo jeediyay isbeddellada uu ka guddoomay guddi uu hoggaaminayay madaxii hore ee waaxda cadaaladda dalka David Maraga.
Ujeeddada laga leeyahay arrinkan ayaa ah in la wanaajiyo daryeelka ciidamada ammaanka , kuwa asluubta iyo saraakiisha NYS.
Dr.Raymond Omollo ayaa saaxiibbada Kenya ee dhanka horumarka u sheegay in ka dhabeynta qorshahan ay u baahan tahay wada shaqeynta dowladda iyo daneenayaasha kale ee arrimaha ammaanka oo ay ka mid yihiin deeq bixiyeyaasha.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ka wasaarad ahaan ay ka go’an tahay dhaqangelinta isbeddellada lagama maarmaanka ah ee lala wadaagay.
Waxaa uu xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha shaaciyay in ay dhaqangeliyeen boqolkiiba 51 ee 598 oo ah talooyinkii ka yimid Maraga iyo xubnaha guddiga.
Omollo ayaa hoosta ka xarriiqay in ay u baahan yihiin miisaaniyad dheeraad ah oo ay ku dhaqangelin karaan talooyinka dhiman oo gaaraya 178 .
Danjiraha Ingiriiska ku matala Kenya Ambasadoor Neil Wigan ayaa soo dhaweeyay guusha ilaa iyo hadda laga gaaray ku tallaaba qaadka talooyinkii la bixiyay.
Waxaa uu sheegay in boqortooyada Ingiriiska ay sii wadi doonto in ay si dhow ula shaqeyso wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka .