Barasaabka ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Shariif Naasir ayaa sheegay in uunan wax isbeddel ah ku imaan go’aankii uu maalmo ka hor ku mamnuucay in dowlad deegaankaasi la soo geliyo, lagu dhex iibiyo sidoo kalena lagu dhex isticmaalo nooca qaadka ee loo yaqaano Mogokaa.
Xilli uu u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayuu guddoomiyaha Mombasa carrabka ku adkeeyay in dadka hadda Mogokaa isticmaala ay ugu yaraan boqolkiiba 30 carruur yihiin taasina aan la aqbali karin.
Waxaa uu tilmaamay in saaka lagu soo wargeliyay in isbitaalka wayn ee gobolka Xeebta la geeyay qof dhaawac ah oo ay mindi geliyeen dhallinyaro adeegsada qaadkan.
Cabdulswamad ayaa ku celceliyay in shakhsiyaadka aan ku noolayn Mombasa laga doonaya in ay dareemaan xaaladaha ka jiro dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu sheegay in aynan suurtagal ahayn in ganacsi ahaan looga macaasho wax burburinaya nolosha bulshada Mombasa.
Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in qaadkan uunan isaga keliya ka soo horjeedsan balse dadweynaha Mombasa ay iska diideen iyagoo u daneynaya aayahooda.