Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa olole ugu jiro sidii machad lagu barto hoggaaminta looga hirgelin lahaa xarunta jaamacadda Nairobi .
Waxaa uu codsigan u bandhigay xarunta caalamiga ee la qabsashada dhibaatooyinka iyo ka shaqeynta xal u helidooda ee (GCA) oo uu guddoomiyo Ban Ki-Moon.
Tani ayaa timid ka dib markii uu madaxweyne William Ruto uu magaalada Seoul ee Kuuriyada Koonfureed uu wada hadal kula yeeshay xoghayihii guud ee hore ee qaramada midoobay.
William Ruto ayaa sheegay in dugsigan uu diiradda saari doono in la barto xirfado khaas ah oo ku saabsan wax ka qabashada isbeddelka cimillada , maaliyadda iyo tarmarta la cusbooneysiin karo.
Home Wararka Kenya William Ruto oo u ololeynaya in dugsiga barashada hoggaanka laga dhiso jaamacadda...