Shirkadaha dowliga ah oo looga digay falalka musuqmaasuqa

0
211

Madaxa waaxda adeegga dadweynaha ahna madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada wadanka ,Felix Koskei ayaa shirkadaha dowliga ah uga digay in ay ku lug yeeshaan falalka lagu lunsado kheyraadka bulshada loogu adeego.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in si dhow loola socon doono isticmaalka miisaaniyadda dhaqaale ee la siiyo maamullada dowladda si looga hor tago musuqa , soo iibinta agabka laga maarmi karo iyo in la isticmaalo qarashaad xad dhaaf ah.
Digniintan ayuu Koskei diray xilli uu soo bandhigayay tilmaamaha cusub ee maareynta shirkadaha dowliga ah iyo shaqaalaha .
Felix Koskei, ayaa dhanka kale shaaciyay in uu socdo geeddisocodka la isugu biirinaya hay’adaha dowladda ee qabta shaqooyinka isku dhow si loola tacaalo qiimaha sarreeya ee ku baxa howlaha mushaaraadka.
Tilmaamaha cusub ee shaaca laga qaaday waxyaabaha ku xusan waxaa ka mid ah in haddii uu golaha wasiirrada ansixiyo, in la kala diri karo shirkadaha dowladda.