Bulshooyinka xoolo dhaqatada oo ay ka mid tahay Soomaalida ayaa lagula taliyay in aynan noolol ahaan ku tiirsanaan hal il-dhaqaale oo keliya.
Baaqan ayaa loo diray xoolo dhaqatada ku nool deegaannada ay inta badan abaartu saameyso.
Waxaa arrinkan ka hadlay isku duwaha ismaamulka Laikipia u qaabilsan mashruuc goboleedka adkeysiga xoolaleeyda ee (R.P.L) Gilbert Mboroki.
Mas’uulkan ayaa bulshooyinka ay noloshoodu ku tiirsan tahay wax soo saarka xoolaha nool ee la dhaqdo kula taliyay in ay isku dayaan siyaabaha kale ee laga helo dakhliga.
Mr. Mboroki ayaa sheegay in xoolaleyda ay khasaaro la kulmaan xilliga abaarta maadaama ay jirto biyo iyo daaq la’aan.