Kenya oo taageertay in Israa’iil iyo Xamaas ay heshiiyaan

0
310

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Musalia Mudavadi ayaa sheegay in dowladda Kenya ay taageeraysa soo jeedinta dhexdhexaadiyaasha Maraykanka , Qatar iyo Masar ee ah in Israa’iil iyo ururka Xamaas ay gaaraan heshiis xabbad joojin.
Mudavadi ayaa xusay in Kenya ay soo jeedinta u aragto mid xal u noqon karta colaadda.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay aaminsan yihiin in tani ay noqon karto tallaabada ugu horreysa ee lagu abuuraya jawi taageeraya qarannimada iyo madax banaannida Falastiin.
Kenya ayaa caddeysay in xalka ugu macquulsan uu yahay in Israa’iil iyo Falastiin uu midba midka kale u aqoonsado dowlad ka madax bannaan.
Waxaa uu Israa’iil iyo Xamaas ku boorriyay in ay aqbalaan soo jeedinta loo soo bandhigay iyagoo tixgelinaya sidii ay ku nafisi lahaayeen shacabka dhibaateysan iyo baahida loo qabo in la gaaro xal nabadeed oo waara.
Soo jeedinta Maraykanka, Qatar iyo Masar ayaa waxaa ku xusan in wajiga koobaad ay jirto xabbad joojin 6 isbuuc ah, in ciidamada militariga ee Israa’iil laga saaro meelaha ay dadka ku badan yihiin ee Qaza, in la soo siidaayo maxaabiista labada dhinac u kala xiran, in shacabka ka barakacay Waqooyiga Qaza ay halkaasi dib ugu laabtaan, in maalin kasta ay Qaza galaan 600 oo ah baaburta xamuulka ee gargaarka sida iyo in dib loo soo celiyo adeegyada muhiimka ah.