Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ka qayb galaya shir maanta magaalada Seol ee Kuuriyada Koonfureed uga furmaya dowladda wadankaasi iyo dalalka qaaradda Afrika.
Kulanka ayaa ah mid lagu xoojinaya iskaashiga dhinacyadan ka dhexeeya si ay horumar u wada gaaraan.
Sidoo kale Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika ayaa ku dadaalaya in ay si wadajir ah ula tacaalaan caqabadaha caalamiga ah iyo sare u qaadidda wada shaqeynta dhanka nabadgalyada iyo ammaanka.
Waxaa uu qorshuhu yahay in madaxweyne William Ruto uu kulan la qaato dhigiisa Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol si ay xoogga u saaraan iskaashiga laba geesoodka ah ee dalalkooda.
Madaxweyne William Ruto oo shalay dalkaasi gaaray ayaa waxaa soo dhaweeyay danjiraha Kenya ee Kuuriyada Koonfureed Ambasadoor Prof. Emmy Kipsoi iyo Ambasadoor Kang Seok-hee oo ah wakiilka dowladda Kuuriyada Koonfureed u qaabilsan dadaallada dib u dhiska ee Ukraine horayna u soo noqday danjirihii wadankaasi ee Seychelles.