Shiinaha oo Kenya ugu deeqay gargaar dhan 370 milyan oo shilin

0
247

Dowladda Shiinaha ayaa dalka u soo dirtay gargaar dib looga soo kabanaya saameynta daadadkii wadanka ku dhuftay.
Waxaa gargaarkan oo ku kacaya 2.8 milyan oo doollar una dhiganta 370 milyan oo shilin shaaca ka qaaday Zhang Zhizhong oo ka mid ah mas’uuliyiinta safaaradda dowladda Shiinaha ay ku leedahay magaalada Nairobi.
Waxaa uu xusay in gargaarka oo ah ilaa 2,040 metric tons ay sidaan labo markab.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in xukuumadda Beijing ay adkeynaysa sida ay uga go’an tahay taageeridda Kenya iyo in ay si dhow isku kaashadaan.
Ugu yaraan 300 oo qof ayaa ku dhintay roobabkii xoogganaa iyo fatahaadihii ka dhashay ee Kenya saameeyay intii u dhexeysay bishii Saddexaad iyo bishii Shanaad ee sanadkan.