Maxkamadda sare oo go’aamisay in xarunta KICC ay leedahay dowladda

0
368

Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta xukuntay in dhulka xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi ay leedahay dowladda.
Garsoore Jacqueline Mogeni oo go’aankan soo saartay ayaa sheegtay in dhulkaasi uu si aan sharci ahayn u qaatay xisbiga KANU.
Waxay meesha ka saartay warqadda lahaanshaha dhulkan ee xisbiga KANU.
Garsoorahaa ayaa xustay in wasaaradda dalxiiska ee dalka ay tahay milkiilaha sharciga ah ee dhulka xarunta KICC.
Waxay dhanka kale su’aal galisay sababta madaxweynihii labaad ee dalka ee geeriyooday Daniel Arap Moi loogu ansixiyay dhulkan oo loo qoondeeyay in dadweynaha isticmaalaan.
Muddo sanado ah, xisbiga KANU ayaa sheeganayay lahaanshaha dhulka xarunta KICC.
Xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi, ayaa la aqoonsanaa hanti uu leeyahay xisbiga KANU ilaa ay dowladdii uu hoggaaminayay madaxweynihii saddexaad ee dalka Mwai Kibaki ay la wareegtay 2003-dii.
Xisbiga KANU ayaa sanadkii 2020-kii dacwad u gudbiyay maxkamadda deegaanka iyo dhulka.
Waxaa uu xisbigan doonayay in maxkamadda ay u soo celiso dhulkan, maadaama guddigii dhulalka ee xilligaasi uu bishii Shanaad ee sanadkii 1989-kii uu u qoondeeyay lahaanshaha dhulka xarunta KICC.