Hay’adda laanqayrta cas Kenya oo sheegtay in fatahaado ay saameeyeen in ka badan 4000 oo qoys

0
633

Hay’adda laanqayrta cas laanteeda Kenya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in roobab culus oo ka da’ay ismaamullada Tana River, Garissa, Busia, Nairobi , Kisumu, Isiolo, Tharaka Nithi iyo Migori ay sababeen saameyn dhanka abuurka ah.
Dhul beereed dhan 3,232 eekar oo ku yaalla dowlad deegaannadan ayay biyuhu buux dhaafiyeen.
Sidoo kale tan iyo 25-kii bishan ,92 qoys oo ku nool deegaannada Nyando, Nyatike iyo Bunyala ayay fatahaado saameeyeen oo ugu dambeyn la daadgureeyay.
Hay’adda ayaa intaa ku dartay in qoysas dhan 743 oo ku kala nool Nyando oo ka tirsan Kisumu, tuulada Sareedo ee ismaamulka Garissa iyo deegaanka Budalangi ee Busia loo fidiyay caawimaad dhanka hooyga ah .
Guud ahaan dalka waxay daadadka ka dhashay roobabka saameeyeen 4,493 qoys oo ku nool ismaamullada Tana River, Isiolo, Wajir, Garissa, Marsabit,Kisumu, Busia, Tharaka Nithi, Migori iyo Nairobi.
Tirada ugu badan ee dadka ay dhibaatooyinka soo gaareen oo ah 2,015 waxay ku sugan yihiin xaafadda Mukuru Kwa Reuben ee Nairobi.
Hay’adda laanqayrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in ay maamullada kale ee dowladda si dhow u kaashanayso si dadweynaha xilli hore loogu wacyigeliyo tallaabooyinka laga doonaya in ay qaadaan si loo badbaadiyo naftooda iyo hantidooda.