DHAGEYSO:Ismaamulka Kwale oo kordhiyay canshuurta laga qaado baabuurta qaadka

0
292

Barasaabka ismaamulka Kwale ,Fatuma Maxamad Achani ayaa sheegtay in canshuurta laga qaadaya baabuurta sida qaadka loo yaqaano Mogokaa la kordhiyay.
Waxay sheegtay in qiimahan oo horay ahaa 10,000 oo shilin in laga dhigay 300,000 oo shilin.
Waxay Achani hoosta ka xarriiqday in golaha hoose ee Kwale uu ansixiyay hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadka 2024/2025-ka oo loo gudbin doono si ay qalinka ugu duugto oo isbeddelka dhanka canshuurta ah uu u dhaqan galo.

Waxay beenisay in ay taageeraysa ka ganacsiga qaadka iyadoo tilmaantay in kordhinta canshuurta ay ka mid tahay tallaabooyinka lagu xakameynaya ganacsigan.
Waxay dadweynaha ku boorrisay in ay la dagaallamaan isticmaalka noocyada kale ee balwadda sida xashiishka.