Hal bilyan oo loo qoondeynaya shirkadda maalgelinta beeraha ee AFC

0
334

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in sanad maaliyadeedka 2024/2025-ka , shirkadda dowladda u qaabilsan maalgelinta beeraha ee AFC loo qoondeyn doono hal bilyan oo shilin.
Tani ayuu xusay in sare loogu qaadaya lacagaha lagu taageero beeralayda.
Waxaa uu shalay ismaamulka Bungoma ee galbeedka dalka ka sheegay in maamulkiisa uu kaashanaya bangiga Afrika ka caawiyo dhoofinta iyo soo dejinta badeecooyinka ee Afriexim Bank.
Iskaashigan ayaa ku saleysan in bangiga uu AFC ku caawiyo 15 bilyan oo shilin.
Dhanka kale, madaxweyne William Ruto ayaa shaaciyay qorsho qaran oo xoolaha looga tallaalaya xanuunnada saameeya.
Madaxweynaha ayaa laga soo xigtay in la tallaali doono in ka badan 22 milyan oo neef oo lo’ ah.