Waxaa la xaqiijiyay dhimashada afar qof, ka dib shil laga soo tabiyay aaga Makongeni ee ka tirsan ismaamulka Nairobi.
Shilka oo gelinkii dambe shalay ka dhacay waddada wayn ee u dhexeysa Thika iyo Garissa ayaa saameeyay bas nooca gaadiidka dadweynaha iyo mooto bajaaj.
Baska oo si xowli ah ku socday ayaa jiiray mooto bajaajta, iyadoo isla goobta uu shilka ka dhacay ay ku dhinteen darawalkii waday mootada iyo saddex rakaab ah.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta uga warbixiyay sida ay wax u dhaceen