Kenya oo looga dabaal degaya maalinta Madaraka Day

0
533

Waxaa maanta dalka looga dabaal degaya 61 sano oo ka soo wareegatay 1-dii bishii Lixaad ee sanadkii 1963-dii xilligaasi oo ay Kenya madax bannaani ka qaadatay guumaystihii Ingiriiska.
Maalinkan ayaa loo yaqaana Madaraka Day waxaana xuska qaran sanadkan lagu qabanaya fagaaraha Masinde Muliro Stadium ee deegaan baarlamaaneedka Kanduyi ee ismaamulka Bungoma.
Xuskan ayaa ka mid ah fasaxyada qaran sida ku qeexan farqada 8-aad ee dastuurka wadanka.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kenyaanka ku hoggaamin doono dabaal degga Madaraka Day.