Guddiga doorashooyinka ee UDA oo been abuur ku sheegay war ka soo baxay xoghayaha guud ee xisbiga

0
463

Guddiga arrimaha doorashooyinka ee xisbiga talada wadanka haya ee (UDA) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay bayaan uu soo saaray Xoghayaha Guud ee xisbiga Cleophas Malala.
Malala ayaa xusay in dib loo dhigay qabsoomidda doorashooyin horay loo qorsheeyay in maanta ay ka dhacaan 5 ismaamul.
Dowlad deegaannadan ayaa kala ah Nairobi, West Pokot, Narok, Busia iyo Homa Bay .
Hasa ahaate, guddoomiyaha guddiga qaran ee doorashooyinka UDA (NEB) Anthony Mwaura ayaa sheegay in doorashooyinka maanta la qabanaya oo uunan wax isbeddel ah ku imaan.
Guddigan ayaa cuskaday go’aan horay uga soo baxay guddiga qaabilsan xallinta khilaafaadka siyaasadeed kaasi oo Xoghayaha Guud looga hor istaagay in uu farageliyo arrimaha doorashooyinka xisbiga.
Mwaura ayaa xubnaha UDA ku boorriyay in ay iska indha tiraan wargelintii Malala oo uu ku tilmaamay mid la buriyay.